|
Alxamdu Lillaah, Waxaan ku faraxsannahay in masaajidka Al-huda uu u qabtay hawlo kala duwan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan jaaliyadda Soomaalida .
Muddada uu Masjidku furannaa oo hadda ku dhow 8 sano waxaan qabannay hawlo isugu jira kuwo joogto ah iyo kuwo soo noqnoqda (seasonal).
Walaalayal si aad uga faa'iiideysataan hawlahaas aan qabanno waxaan idinka codsan lahayn inaad masaajidka la soo xiriirtaan ama aad ku biirtaan diiwaanka masaajidka (mailing list).
Hawlaha uu masaajidka uu qabto oo badankooda aan wax kharash ah lagu weydiin maayo (free of charage) waxaa ka mid ah kuwa hoos ku qoran:
1. Shanta Salaadood iyo Khudbada Jumcaha oo lagu tukado Masjidka .
2. Maktabad lagu akhristo kutubta (waxaa taal kutub maraajic ah (oo ku qoran Carabi & English).
3. Duruus iyo Xalaqooyin kala duduwan oo ku baxo luqadaha Englishka iyo Soomaaliga
4. Xallinta arrimaha qoyska, sida Guurka, Furitaanka, iyo la talinta intaba.
5. Afur bilaash ah oo aan bixinno bisha Ramadaan.
6. Waraaqaha Sharciyeynta Dowladda oo aan saxiixno (Guarantor).
7. Mu'tamarka kulaylaha oo aan qabanno Julaay iyo Agoosto Xilliga xagaaga oo ku kala baxa luqadaha Soomaliga iyo Englishka.
8. Salaadda Taraawiixda iyo Tahajudka oo lagu tukado masaajidka bisha Ramadanka.
9. Ururinta iyo Qeybinta Sakaatul Fitriga, iyo Kaalmada Muslimiinta dunida ku dhibaateysan hadba wixii uu awoodo Masjidku.
10. Dugsiga Qur'aanka oo Sabti iyo Axad walba oo ay dhigtaan carruur gaadheysa 120 oo ay da'doodu u dhaxeyso 7 jir illaa 16 jir oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Wabillaahi Towfiiq.
|